Puntland oo shaacisay waqtiga loo dareerayo Doorashooyinka Golayaasha deegaanka (VIDEO)

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa maanta oo Axad ah si rasmiya u shaaciyay wakhtiga la bilaabi doono diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddex degmo, oo laga qaban doono Doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo hordhac ah.

Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn oo ka kala tirsan Karkaar, Nugaal iyo Bari ayaa la doonayaa in laga qabto Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland oo tijaabo ah, sida uu sheegay Af-hayeenka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.