Wasaaradda Caafimaadka XFS oo sheegtay inay 18 qof u geeryoodeen cudurka COVID-19

Wasaaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 18 qof ay 24-saac ee ugu dambeeyay u geeriyoodeen cudurka Covid-19, waxayna sidoo kale diiwaan galisay 244 kiis oo cusub.

Waa tiradii ugu badnayd oo 24 saac gudaheed u geeriyoota cudurka Covid-19 oo si xowli ugu sii faafaya Soomaaliya haba ugu badnaadee gobolka Banaadir oo dadka ugu badan ay ku nool yihiin.

Wasaaradda caafimaadka ma sheegin dadka u dhintay cudurka meelaha ay kala joogaan, balse maalin kasta tacsida dadka u dhinta cudurka ayaa laga dareemaa baraha bulshada.