Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Mareykanka ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Danjire Donald Yamamoto ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho loo wada dhan yahay.