Xasan Sheekh “Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena”

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ahaa hoggaamiyihii ku guuleystay in dacwada bada la geeyo Maxkamada ICJ ayaa ugu baaqay dhammaan umada Soomaaliyeed in taageero loo muujiyo kooxda ka socoto Soomaaliya ee ku sugan Hogue.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in maanta dhammaan umada Soomaaliyeed ay muujiyaan kalsooni iyo midnimo.

Waxaa uu tilmaamay inta ay socoto Maxkamad in wax walba meel iska dhigo si wax looga qabto soo celinta Soomaaliyeed.

“Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay.  Difaaca baddeennu waa mas’uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah. Waan guuleysaneynaa inshaAllaah”