Dalal cusub oo joojiyay talaalka COVID-19 ee la keenay Soomaaliya

Doctor giving a senior woman a vaccination. Virus protection. COVID-2019.

Ugu dambeyntii dalalkii ugu dambeeyay ee baaritaanada ku waday talaalka Covid 19 oo kala ahaa Germany, France, Italy iyo Spain ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka COVID-19 ee ay sameysay shirkadda AstraZeneca, kadib markii waxyeellooyin ay ka mid yihiin xinjiro dhiig ah oo xiray xididada dadkii qaatay tallaalkaas.

Dalka Denmark oo isticmaalka tallaalkan joojiyay todobaadkii hore ayaa xaqiijiyay in haweeneyd 60-jir ah ay geeriyootay markii ay qaadaay tallalka AstraZeneca, kaddibna ay xirmeen xidida dhiig mareenka, sida ay sheegtay hey’adda caafimaadka dalkaas.

Madaxa hey’adda Caafimaadka adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in galinka dambe ee maalinta talaadada ah uu shir guddoominayo kulan looga tashanayo arrintan, waxaana uu sheegay inay kulankaas ka soo qeyb gali doonto hey’adda caafimaadka Yurub ee EMA.

Dalka Germany ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in Yurub ay wajahayso mawjad saddexaad oo ah caabuqa faafa ee COVID19, waxaana isbitaalada dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Faranksiiska ay ku dhowyihiin inay buux dhaafaan.

Dhowr waddan oo Yurub ah, oo ay kujiraan Norway, Netherlands iyo Ireland, ayaa sidoo kale si kumeel gaar ah u joojiyey soo saarista tallaalka AstraZeneca.

Sida laga soo xigtay AstraZeneca, waxaa jiray 15 dhacdo oo xidid dhiig muruq ah iyo 22 dhacdooyin oo ku saabsan sambabada  oo laga soo sheegay in ka badan 17 Milyan  qof oo lagu tallaalay Midowga Yurub iyo Boqortooyada Midowday ee UK.