Duqa cusub ee Degmada Boosaaso oo Xilkii la wareegay (VIDEO)

Duqa KMG ah ee Degmada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Cabdiqani Axmed Ismaaciil, ayaa maanta xilka kala wareegay duqii hore ee Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday hoolka Dowladda Hoose ee Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland, Maamulka Gobalka Bari, Saraakiil Ciidan, Isimo, Waxgaradka, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Duqa cusub ee Degmada Boosaaso Cabdiqani Axmed, oo Munaasabadda ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in mudada uu xilka hayo uu si wanaagsan uga shaqeyn doono Hormarinta Magaalada Boosaaso iyo sidii adeeg wanaagsan loogu qaban lahaa Shacabka.