Gaalkacyo: Sarkaal kamid ah Ciidanka Puntland oo ka bad-baaday Qarax

Sarkaal kamid ah Laanta Dambi-baarista Puntland ee C.I.D ayaa saaka ka bad-baaday Qarax gaarigiisa lagula beegsaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), ayaa xilliga Qaraxa lala beegsaday marayay bartamaha Magaalada Gaalkacyo. Mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga Puntland ee Gobalka Mudug.

Sarkaalkan ayaa la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.