Maxay ka wada-hadleen Qoorqoor iyo Safiirada QM & Mareykanka ? (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa Xerada Xalane kula kulmay Safiirada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka Ambassador James Swan & Ambassador Donald Yammamoto.

Kulanka ayaa looga hadlay Shirka go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka Dalka, kass oo maalmaha soo socda uga furmaya Muqdisho Hoggaamiyayaasha Soomaalida, ayna garwadeen ka tahay Beesha Caalamka.

Wakiillada QM iyo Mareykanka ayaa ku wargaliyay Qoorqoor in Hoggaamiyayaasha Soomaalida laga yeelayn inay ka meermeeraan Shirkan, maadama ay gaari waayeen heshiis Dalka ku jiheeya doorasho.

Idilnews