QoorQoor iyo Laftagareen oo maanta laga sugayo Muqdisho, kaddib digniin loo diray

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye”QoorQoor” iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee, ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho oo maalmaha soo socda uu ka furmi doono Shirka Wada-tashiga DFS iyo Dowlad Gobaleedyada.

Hoggoomiyayaashan oo maalmihii ugu dambeeyay dalxiis u joogay Dalka Turkiga, ayaa Axadii digniin adag ka helay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka, iyadoo lagu wargaliyay in aan laga aqbali doonin qorshe kastaa oo ay doonayaan inay ku carqaladeeyaan Shirka go’aan ka gaarista Doorashooyinka Dalka ee Beesha Caalamku hoggaaminayso.

Sidoo kale, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ku gacan seyrtay soo jeedin ka timid xubnaha oo aheyd in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS uu hoggaamiyo Shirka Xal u helida muranka Doorashooyinka, iyagoo sheegay in uusan harin waqti kale oo Soomaalidu kasii muran Hirgalinta Hanaanka Doorashooyinka, ayna iyagu yihiin cida hoggaaminaysa Madashan, sidoo kalena korjoogteyn doonta Waxyaabaha lagu heshiisyo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, si ay uga qeybgalaan Shirkan, iyagoo degan deegaano ku yaalla Xayndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.