Ciidanka Puntland oo dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Ciidamada Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari, waxay ku dileen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Hawlgalkaas oo ay saacadihii u dambeeyay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, waxa lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aan tiradooda la xusin.

Sidoo kale, waxa Al-shabaab hawlgalka looga furtay hub fara badan oo nooca fudud ah iyo qalab kale, oo ay u isticmaali jireen dagaalka.

Ciidamada Puntland ayaa hawlgalo xiriir ah ka wada Buuraleyda Gobolka Bari, kadib weerarkii dhowaan lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.