Dagaal dhexmaray xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug

Wararka ka imaanaya Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, uu maanta ka dhacay Deegaanka Laaso-dheer ee Bariga Gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa sababay dhimashada Labo kamid ah xoolo dhaqatadii dagaalantay, waxaana haatan degan xaalada Deegaanka lagu dagaalamay.

Puntland iyo Galmudug ayaa sanadihii ugu dambeeyay waday dadaalo lagu baajinayo dagaalada dhexmara xoolo dhaqatada kasoo kala jeeda Labada dhinac, iyagoo xal ka gaaray colaado marar dhow ah ka dhacay Deegaanka.