Dowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay Dacwadda Badda

Iyadoo shalay la soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee doodda dacwadda ka dhanka ah khilaafka xudduud Baddeedka ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayeey dowladda Soomaaliya ku boggaadisay qareennadii ku matalaya maxkamada ICJ sida wacan oo ay u soo bandhigeen xujooyinkooda la xiriira kiiskan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed ayaa sheegay in qareennada dhinaca Soomaaliya ku matalaya maxkamada si wanaagsan u guteen doodda iyaga oo bandhigay xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaas ku daray “Waxa ay sidoo kale looyaradu si cad u qeexeen xad gudubka dawladda Kenaya ay ku hayso badda Soomaaliya ee ay muranka galisay.”

“Waxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta.”

Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobay wareeggii 1-aad ee doodda Badda Soomaaliya. wareegga Labaad goorta uu bilaabmayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go’aan ka gaaraysa iyada oo wargalin doonta wafdiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda.

Dhinaca Dowladda Kenya iyadu kama aysan qeybgalin maxkamada iyadoo ka cudurdaaratay sababo dhowr ah oo ay soo bandhigtay awgeed, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa u aragta in Kenya marnaba diyaar u aheyn in lagu kala baxo sharciga.