Goormee furmaya Shirka Muqdisho ee DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ?

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dadaalkii ugu dambeeyay ugu jira qabsoomida Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, kaas oo go’aan looga gaarayo Doorashooyinka Dalka.

Shirka oo la filayo inuu 20-ka bishan Maarso uu ka furmo Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa garwadeen ka ah Wakiiladda QM, Midowga Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo damaanad qaadaya fulinta qodobada Madaxdu ku heshiiyaan.

Wakiillada Beesha ayaa digniin u diray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo u sheegay inuu isaga fogaado carqaladeynta Shirkan, sidoo kalena uu soo xaadiro.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-gareen.

Idilnews