Qatar iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay xoojinta Iskaashiga

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid bin Khaliifa bin C/casiis Al Thaani ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DF Soomaaliya Xasan Xundubey.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojibta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaalia iyo Qatar.

Qatar ayaa taageero dhaqaale oo joogto ah siin jirtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, hase ahaatee bilihii la soo dhaafay ayaa la sheegay inuu istaagay taageerada dhaqaale ee bilaha aheyd.