XOG: Tallaalka cudurka sambabka ee Xoolaha Puntland oo u Istaagay Musuq-maasuq

Musuq-maasuq baahsan ayaa hareeyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay Tallaaladii Xoolaha ee Wasaaraddu geyn jirtay dhulka Miyiga ah, si loo tallaalo Xoolaha kunool deegaanada Puntland.

Shabakadda Idil News ayaa ogaatay inuu hakad ku yimid ololaha tallaalka xanuunka Sambabka xoolaha, kaas oo la gaarsiinaya 5 Milyan oo Neef, oo kamid ah Xoolaha kunool deegaanada Puntland, kaddib markii Gaadiidleydii qaadi laheyd Kooxaha Caafimaadka iyo Tallaalka ay Xubno kamid ah Masuuliyiinta Wasaaraddu ku xujeeyeen inay bixiyaan Lacago laaluush ah.

“Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ayaa nagu yiri ha bixiyo calaa gaari $500 oo dollar, si aad u heshaan kirada tallaalka, inteenii badneydna waan diidnay” ayuu yiri Faarax oo kamid ah gaadiidleyda.

Sidoo kale, Ismaaciil oo kamid ah mulkiilayaasha gaadiidka ayaa inoo sheegay in marka laga soo tago Gaadiidka ay lee yihiin Wasiirada iyo Xildhibaanada kamidka ah Dowladda Puntland, gaari kastaa oo qaaday tallaalkan ay Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulku ay ku xireen lacagtan, ayna go’aansadeen in aysan dhiibin.

Gaadiidleyda ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, inuu soo fara-galiyo Musuq-maasuqa curyaamiyay shaqadii Wasaaradda Xanaanada xoolaha, sidoo kalena baaris lagu sameeyo cabashadooda.

F.G: Waxaan baahin doonaa Codadka Qaar kamid ah Gaadiidleyda iyo Saraakiil kamid ah Wasaaradda.

Idilnews