Axmed Madoobe “Hadii ay na anfacay Kali-talisnimo dagaal sokeeye ma dhaceen” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeyb galay shirka madasha Badbaadada Qaranka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howshan loo arkay inay xal ka noqon karto Xaalada cakiran ee Doorashada dalka, taas oo ilaa hada ay muuqato in aan lahaynin wado sax ah oo dalka lagu jihayn karo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in si rasmi ah loogu diyaar garoobo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha taagan iyadoo la eegayo danta Qaranka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in madashan ay noqonayso mid jiho u bixisa dalka isla markana Xaalada halista ah ee uu ku jiro ka saarta.