Cutubyo kamid ah Ciidanka Puntland oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Guddiga Dib-u-habeynta Ciidammada Difaaca Dowladda Puntland ayaa tababar u soo xiray Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland, oo kasoo baxay Dugsiga General Giriin ee degmada Badhan ee Gobalka Sanaag.

Munaasabadda tababar loogu soo xiray Ciidammada ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Ciidamaddan tababarka loo soo xiray ayaa loo bixiyay (GUUTADA LIBIN SIDE).