Deni “Haddii Sharciga la ixtiraami waayo, nin kasta goofkiisa..” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Kulanka Madasha Badbaado Qaran oo looga dhawaaqay magaaladda Muqdisho, Madasha ayaa waxaa ku mideysan Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland.

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay Kulanka ayaa hadlay xaaladda dalku marayo iyo baahida loo qabo in la bad baadiyo, isagoo xusay in Madasha Badbaado Qaran ujeedka loo sameeyay tahay sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd Doorasho lagu wada qanacsanyahay.