James Swan oo ka hadlay Shirka Madaxda Soomaaliya u furmaya (VIDEO)

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegey in kulanka la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho uu yahay mid muhiim u ah Mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in kulankaan ay soo qabanqaabisay beesha Caalamka iyo sidoo kalena ay dhaqaalle badan ku bixin doonaan si loo helo hanaan doorasho.

Ergeyga ayaa sidoo kale xusey sida murankan mudada sanadka ku dhow soo socdey uu u curyaamiyey adeegyadii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan xusayaa inaan dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida” ayuu yiri Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.