Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada Puntland ?

Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Wasiirada Puntland ee ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay Amniga, Caabuqa Covid19, qorshaha Tallaalka, Xaaladda Biya-yarida iyo abaaraha deegaanada Puntland iyo halka ay marayso socodsiinta isticmaalka Shillin Soomaaliga.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana uu faray in la dardargeliyo howlaha shaqo iyo adeegyada loo hayo bulshada.