Wasiir Dhabancad oo beeniyay war kasoo baxay DFS

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa beeniyay war ay baahisay Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ee ahaa inuu furmay Shir u dhexeeya Guddigii farsamada ee DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, ee horey ugu shiray Magaalada Baydhabo.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Warka DFS aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin Shirka furmay Muqdisho.

“Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadishu”ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Warbaahinta dowladd ayaa goordhow shaaciay in Muqdisho uu ka furmay horudhac u ah Shirka dowladda iyo Dowlad Go baleedyada, kaasoo aan horay loo shaacin.