BREAKING: Booliska Puntland iyo koox wadatay khamri oo ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Booliska Puntland iyo koox ka ganacsanaysay maandooriyaha khamrida ayaa caawa ku dagaalamay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa sababay dhimashada 1 qof oo kamid ah kooxdii wadatay khamrida, halka ay ku dhaawac illaa 4 qof oo kale oo ay ku jiraa shacab.

Ciidanka Amniga ayaa haatan wada howlgallo, iyagoo baaritaano ka sameynaya goobo lagu tuhmayo in lagu gado maandooriyaha khamrida iyo xashiiska.

Idilnews