DFS “Boqortooyadda Sacuudiga waxaan ku garab taaganahay tallooyinka ay u qaadayo ilaalinta Amnigeeda”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeysay weerar Kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, kuwaas oo lala beegsaday magaalada Khamis Mushait iyo warshada sifeynta shidaalka ee Magaalada Riyadh.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd”

“Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda”.

Idilnews