Farmaajo oo Shir ugu baaqay Madaxda DG, xilli Afisyooni oo Shir ka furmayo

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, uu Shir ugu baaqay Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka iyo Gobalka Banaadir.

Baaqa Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli lagu wado in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo maalmaha soo socda Shir u dhexeeya Madaxda Soomaalida, ayna soo qaban-qaabiyeen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Warka kasoo baxay Villa ayaa lagu sheegay in Shirka Farmaajo uu Iclaamiyay uu furmi doono 22 Maarso, uuna socon doono muddo 2 maalmood ah

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland H.E Said Abdullahi Deni & H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maalmo ku sugan Muqdisho si ay uga qeybgalaan Shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni, ee QM, EU iyo Mareykanku garwadeenka ka yihiin.

Idilnews