Gaalkacyo: Ciidanka Amniga Puntland oo xabsiga u taxaabay dhalinyaro badan

Ciidanka Amniga Puntland oo howlgallo ka wada Magaalada Gaalkacyo ayaa xabsiga u taxaabay dad looga shakisan yahay inay xariir la lee yihiin Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Gobalka Mudug ayaa u sheegay Idilnews, in Dadka la xiray ay u badan yihiin dhalinyaro Deegaanka ah, kuwaas oo la xariirinayo Ururka Al-Shabaab.

Dhalinyarada la xiray oo ka badan 15 ayaa la sheegay inay safaro ku tageen Koonfurta Soomaaliya, waxaana Saraakiishu sheegeen inay ku socdaan baaritaano, ayna Hay’adaha Amniga la wadaagi doonaan Saxaafadda.

Xukuumadda Puntland ayaa Boqolaal Ciidanka iyo dharcad ku daabushay Magaalada Gaalkacyo, waxaana Booliska Gobalka Mudug ay gacanta ku dhigeen illaa 10 Shabakadood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo weeraro ka geystay Magaalada Gaalkacyo.

Idilnews