Puntland oo ka hadashay Libaaxyo lagu sumeeyay dalka Uganda

Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa dowladda Uganda uga tacsiyadaysay 6 Libaax oo dalkaasi ku dhintay, kuwaas la rumeysan yahay inay sameeyeen dad ugaarsato ah.

“Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland waxay ummada Bariga Afrika gaar ahaan shacabka Uganda uga tacsiyeynaysaa dhimashada 6 libaax, taas oo sii kordhinaysa hoose u dhaca kala duwanaasha noolaha iyo isu dheeli tirnaan la’aanta deegaanka”.

Idilnews