Saldhiga Booliska Garoonka Muqdisho oo la hoos geeyay Gobalka Banaadir

Saldhigga Booliska Garoonka Diyaaradaha ayaa la hoos geeyay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo horay Saldhigga Booliska Garoonka uu ahaa mid madax bannaanaa.

Wareegto uu soo saaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu hoos geeyay Saldhiga Booliska Garoonka inuu ka mid noqdo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ee hoostaga Qeybta Guud, taasoo ka dhigan in awoodda magacaabis iyo xil ka qaadis uu leeyahay Taliska Booliska Gobolka Banaadir, maadaama shaqo ahaan loo hoos keenay.

Lama oga tallabadan inay la xiriirto arrin siyaasadeed iyo in kale, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xerada Xalane ee ku yaala Xeyndaabka Garoonka ay dageen wafdiga Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.