Wasiir oo ku dhawaaqay in Farmaajo ka qeybgalayo Shirka Afisyooni (VIDEO)

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cusmaan Dubbe, oo shir jaraa’id goor-dhaweyd ku qabtay Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS uu ka qeybgalayo Shirka Madaxda Soomaaliya ee maalmaha soo socda ka furmaya Teendhada Afisyooni, ayna garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka.

Dubbe ayaa sidoo kale eedeeyn u jeediyay Madasha Badbaado Qaran ee maalmo ka hor looga dhawaaqay Muqdisho, ayna ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi, isagoo sheegay in yihiin cida hor-taagan doorashooyinka dalka.

Idilnews