Madasha Badbaad Qaran “Farmaajo sharciyad uma leh inuu Shir isugu yeero DFS iyo D/Gobaleedyada”

Madasha Badbaado Qaran oo Warqad furan u qortay Beesha Caalamka ayaa kaga hadashay aas-aaskii Madasha, marxalada Dalka, gaar ahaan Arrimaha iyo Shirka lagu wado inuu maalmaha soo socda ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Madasha Badbaado Qaran ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo aanu laheyn sharciyad uu shir isugu yeero, iyagoo soo jeediyay in shirka la ballaariyo oo saamileydu ka qeyb gasho, iyo inuu amniga wareejiyo.