Madaxweyne Deni “DFS waxay nagu soo weerartay aaga aan ka degan nahay Muqdisho” (WAREYSI)

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo wareysi siiyay BBC News Somali ayaa sheegay in aysan ka warqabin Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, isagoona xusay in shir la galo ay ka horeyso xalinta caqabaha ku gadaaman doorashooyinka qabsoomidiisa.

Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu ciidammo soo dhigay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo ku dhow halka uu degan yahay, waxaana uu xusay in talaabadan ay muujinayso in Farmaajo uusan doonay in xal laga gaaro doorashooyinka dalka.

“Shirka berri furmayo maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay na lagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Idilnews