Madaxweyne Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee, oo safar ku joogay muddo Dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Lafta-gareen oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Cabdicaziiz Laftagareen ayaa kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, kaas oo ka furmaya Teendhada Afisyooni, ayna garwadeen ka tahay Beesha Caalamka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey ugu sugnaa Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana la filayaa in illaa Isniinta berri ah uu Hirs Shirka go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka.

Idilnews