Mareykanka “Cidna kama bixi karto Muqdisho, iyadoon laga heshiin doorashada”

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa amar ku siiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada in aanay jirin cid Muqdisho ka tagi karta illaa heshiis laga gaaro.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay, isagoo sii adkeynayay war saxaafadeedki Beesha Caalamka ayuu ku sheegay in aanu fashilku aheyn ikhtiyaar ee loo baahan yahay in heshiis la gaaro oo aan la bixin

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan hadda doorasho” ayuu yiri Yamamoto oo magac dhabay shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in mid ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xiriirka la leh Villa Somalia uu doonayay inuu dib ugu laabto deegaankiisa, waxaana farriinta Safiirka Mareykanka digniin u aheyd in Muqdisho laga tago iyadoo aan la shirin.