Mareykanka oo Ciidammo ka dejiyay caawa Muqdisho

Ciidammo ka socda howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa (AFRICOM), ayaa caawa soo gaaray Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo saldhig ka sameystay agagaarka Xerada Xalane oo xarun u ah Dublamaasiyiinta Beesha Caalamka.

Imaanshaha Ciidanka ayaa kusoo aadaysa xilli ay soo baxayeen maalmihii lasoo dhaafay digniin ku aadan in weeraro Argagixiso laga fulinayo Xayndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena DFS ay dhaqdhaqaaq Ciidan ka wado nawaaxiga garoonka.

Idilnews