Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Hirshabelle iyo James Swan ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Hoyga uu degan yahay ku qaabilay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Ambasador Jemes Swan.

Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan muhiimada ay leedahay in isfaham buuxa laga gaaro qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay.

Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama laguda galayo xilli roobaadka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu Muqdisho ka waday kulamo looga hadlayo Arrimaha ka taagan doorashooyinka.