DEG-DEG: Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe oo ku kulmaya Safaaradda Mareykanka

Kulan u dhexeeya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Safiirada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa goor-dhaw ka bilaabanaya Safaaradda Mareykanka ee Xalane.

Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii loo dhameyn lahaa caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka Madaxda Soomaalida ee Teendhada Afisyooni, oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka.

Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa amray saaka in la hakiyay Shirka Afisyooni, illaa laga dhameynayo caqabadaha jira, xalna loo helayo dooda Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Idilnews