Shacabka Tanzania oo isugu soo baxay baroor-diiq loo sameeyay Magufuli

Dad aad u tiro badan oo Tanzanian ah ayaa iyaga oo murugaysan dhugashadii ugu dambaysay ee sagootinta ahayd la dul tagay maydka madaxweyne John Magufuli oo Arbacadii dhintay.

Waxay iyaga oo safaf dhaadheer ku jira garab marayeen naxashka oo la dhigay Istaadyoonka Uhuru ee magaalada Dar es Salaam, hase yeeshee dadku ma kala fogaanayaan dad tiro yar oo ka mid ah shacabka yo ciidanka nabadgelyada ayaana xidhan af-saab arintaas oo ahhalis cudurka Covid-19 ku fidi karo.

Magufuli ayaa su’aal geliyey halista cudurkani leeyahay, xukuumadiisuna wax xog ah oo ku saabsan tirada dadka uu ku dhacay ee dalka umay gudbinayn hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO

Hase yeeshee waxay xukuumadda Tanzania sheegtay Arabacadii inuu wadne xanuun u geeriyooday.