11 kamid Masuuliyiinta Sare ee Eritrea oo xayiraad lagu soo rogay

Midowga Yurub,ayaa oo xayiraadii ugu horaysay ee dhanka Safarada ah ku soo Rogaya 11-ka mid Masuuliyiinta sar-sare ee Eritrea iyo 4 hay’adood oo isla dalkaas ah.

Sidoo kale maalmaha soo socda si lamid ah Midowga Yurub waxuu xariyaad kusoo rogi doonaa 27-ka mid ah masuuliyiibta dalka Ethopia,kuwaasoo Magacyadooda la shaacin doono.

Marayaykanka,ayaa asna laga filayaa ilaa beri in ay soo saaraan magacyada saraakiisha iyo shirkadaha reer Eritrea, ee uu xayiraada kusoo rogayo.

Waa bilow hiil iyo garab istaag loo muujinayo Maatada Qowmiyada Tigreega ee loo geystay xasuuqa ba’an.

Abdinur Abdalla.