Abiy Ahmed oo qoray in Ciidanka Eritrea ka qeyb qaateen qoladii Tigray (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa markii ugu horreysay qirtay in ciidamada Eritrea ay ka soo gudbeen soohdinta, oo ay ka qayb qaateen dagaalka gobolka Tigray.

Abiy Ahmed oo la hadlayay Baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in sababta ay ciidanka Eritrea u soo galeen ay tahay inay ka cabsi qabeen in ciidanka Tigray ay weeraraan Eritrea.

Hadalkan Abiy kasoo baxay ayaa yimid kaddib muddo bilooyin ah oo labada dal Ethiopia iyo Eritrea ay beeninayeen in ciidan Eritrean ah ku lug lahaayeen dagaalka.

Idilnews