Akhriso: 3 qodob oo Deni iyo Madoobe ku diideen Shirka Farmaajo iclaamiyay.

Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, iyo Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, oo kulan shalay la yeeshay Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, ayaa u gudbiyay 3 qodob oo ay ku diideen ka qeybgalka Shirka Afisyooni ay ku yeesheen Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Gobaleedyada taageersan iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Sida ay u sheegeen xubno kamid ah Waftiga Labada Madaxweyne Idilnews, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la wadaagay Labada Safiir in Saddex arimood ay ugu muhiimsan yihiin, kuwaas oo kala ah;

1: In aysan ku imaan Muqdisho casuumaad uga timid Farmaajo oo ay soo ajiibeen martiqaadkii Labada Safiir, hadii ay doonayaan Shir aan heshiis micno leh kasoo bixina ay u imaan lahaayeen dhowrkii jeer ee horey uu u casuumay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday.

2: In aysan qorshaha ugu jirin ka qeybgalka Shir aan laga heshiin Ajandihiisa, iyo sida loo galayo.

3: In Beesha Caalamka ay Shirka qeyb ka noqoto, oo ay goobjoogayaal ku yeelato Shirka, si ay u ogaato dooda dhinacyada, sidoo kalena damaanad qaado fulinta heshiiska dhinacyada, maadama ay fashilmeen heshiisyo horey loo wada galay.

Wakiillada Qaramada Midoobay James Swan iyo Mareykanka Donald Yamamoto, ayaa soo dhaweeyay dooda Labada Madaxweyne, waxaana ay ka dalbadeen inay kala shaqeeyaan qabsoomida Shirka oo ay Beesha Caalamku hoggaaminayso. Kulanka ayaana kusoo dhamaaday is afgarad.

Idilnews