DEG-DEG: C/rashiid Janan oo ka goostay Jubbaland

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo tiro Gaadiid dagaal oo uu lee yahay ayaa isaga goostay Ciidanka Jubbaland ee ku sugan duleed degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan iyo Ciidankiisu ay saaka kasoo ruqaansadeen saldhiga Ciidanka Jubbaland, kaddib heshiis Hoose oo uu la galay Madaxweyne Farmaajo oo ay isku beel yihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Janan loo balanqaady $500 oo Kun oo dollar, iyo in laga dhigayo Guddoomiyaha Gobalka Gedo ugu magacaaban Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS.

Idilnews