XOG: Fahad Yaasiin oo dhalinyaro madax jabis ah ka qoranaya Gaalkacyo

Hay’adda NISA ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wada qorista dhalinyaro loo tababarayo fulinta dilalka qorsheysan, kuwaas oo loo qaadi doono Dalka Eritrea, sida ay ogaatay Idilnews.

Dhalinyarada oo loo qorayo si qarsoodi ah ayaa ka kooban 100 dhalinyaro ah, waxaana 75 kamid ah laga qorayaa Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland, halka 25 kamid ah laga qorayo Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

Qorista Dhalinyaradan oo loo sheegay inay kamid noqonayaan Ciidanka GORGOR ayna tababar u aadayaan dalka Turkiga, ayaa waxaa Fahad Yaasiin uga Wakiil ah Nin lagu magacaabo Cumar Jaamac Cabdi, kaas oo degan Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Qaar kamid ah Waalidiinta dhalinyarada la qoray, oo lasoo xariiray Idilnews ayaa sheegay in aysan sifo sharci-darro iyo marin habaabin ah loo kexeystay Carruurtooda, waxaana ay xuseen in ay ka xun yihiin dhaqanka Soomaalida ku cusub ee ay la timid DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday.

Idilnews