Farmaajo oo lacag dul-dhigay Shirkadaha Ganacsiga ee Muqdisho

Hogaamiye kooxeedka soo daahay Farmaajo waxuu ku amray Shirkadaha waa weyn ee Beesha Hawiye in ay bixiyaan Lacago uu ku sheegay garab istaaga Dowladnimada.

Shirkadaha safka hore lagu qiimeeyay sida Hormuud oo kale waxuu dul dhigay hogaamiye kooxeedku lacag dhan 1-Milyan oo dolar.

Shirkadaha safka labaad waxuu dul dhigay 500-kun oo dolar.

Shirkadaha gacanta sadexaad waxuu dul dhigay 100-kun oo dolar.

Amarkan waxuu kusoo aaday xili uu Jaamacada Carabta udiray Wakiilkiisa Arimaha dibada Wiilka ku abtirsada Kacaanka M.Cabdirisaaq si uu ubaadigoobo waxuun dhaqaale ah.

Lama yaqaan in Beelaha Hawiye ganacsatadoodu bixin doonaan Ajuuradaas la dul saaray.

Hogaamiye kooxeedku waxuu dareemayaa dhaqaale yari.

Jibril Qoobey.