Farmaajo oo taageero dhaqaale deg-deg ah codsaday (Akhriso)

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa taageero dhaqaale ka codsaday Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd oo uu kaga codsaday taageero dhaqaale oo deg deg ee xilligan xasaasiga u ah Soomaaliya, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abuukar oo maalmahan booqasho hawleed ku jooga Qaahira waxa uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta shalay u gudbiyey farriin salaan ah oo uu uga waday Madaxweyne Farmaajo.

Dhambaalkaasi ayaa waxa lagu xusay inay DFS ka mahad-celinayso Tagaeerada ay Dowladaha  xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta u fidiyaan DFS, Hay’adaha hoos-taga iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Farriinta Farmaajo u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta ayuu kaga codsaday in la sii taageero dhaqaale oo deg deg ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhambaalkaasi waa kii labaad ee uu Farmaajo u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta bishan Maarso, iyadoo Farriintii 1-aad uu Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada XFS, Xasan Macallim Khaliif uu u gudbiyey Abu Kheyd bishan 10-keedii.