Kenya oo doonaysa inay xirto xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab

Kenya ayaa 14 maalmood u qabatay ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR si ay ula timaaddo qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, sida lagu shaaciyay qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda arrimaha gudaha.

Kenya waxay sidoo kale sheegtay in qorshaha xiritaanka xeryahan aanan wax wadahadal oo kale laga yeelan doonin.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma ayaa waxaa ku sugan kumanaan qaxooti Soomaali ah, kuwaas oo ka cararay colaadaha Sokeeye ee kajiray Soomaaliya, waxaana la ogeyn qorshaha ay Kenya ka damacsan tahay arrintaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaan weli ka jawaabin dalabka dowladda Kenya ee ku aadan in la keeno qorsho lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Dowladaha Soomaaliya & Kenya ayaa waxaa xilligan ka dhaxeeya khlaafka badankiisa salka ku haaya dacwadda Badda, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Kenya.