Madaxweynahaasha 5 Dowlad Gobaleed oo berri Shir gaar ah yeelanaya

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa berri kulan gaar ah ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay qeyb ka yihiin Wakiillada Beesha Caalamka, ayaa looga hadli doonaa marxalada Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Qabsoomida Shirka ayaa dhabar-jab ku ah Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, kaas oo maalmihii ugu dambeeyay xaadirayay Xerada Afisyooni.