Maxaa kala socotaa doodii adkeyd ee Madaxweyne Deni iyo Safiirka Turkiga ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Safiirka Turkiga Mehmet Yelmas, ayaa kulan adag xalay ku yeeshay aalada fogaan araga ZOOM, kaas oo ay isku weydaarsadeen dood adag.

“Farmaajo Sxb lama nihin ee waxaan bah wadaag la nahay Somaliya,waxaan rabnaa in aan dhisno Quwad Somaliya iyo Quwad Islaam ah”Ayuu yiri Safiirka Turkiga.

“Shacab Quwad dhaqaale iyo mid aqooneed leh in la dhisaa ka muhiimsan Quwad kaligii Talye gacanta loo galiyo oo Dadka lagu caburiyo”Madaxweyne Deni,ayaa sidaa ku yiri Safiirka Turkiga.

Kulankii Pl iyo Turkiga ee Zoomka ku qabsoomay waxaa laysku dhaafsaday dood adag oo Safiirkii Turkiga aamusisay kana yaabisay.

“Puntland waa ka hawlgalaynaa dhan walba,waana ka garaabaynaa ka gaabintayada”Ayuu yiri Safiirka Turkigu kusoo gabagabeeyay hadalkiisii.

Jibril Qoobey.