XOG: Maxaa kasoo baxay kulankii xalay ee Wakiillada Beesha Caalamka ?

Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Xalane ayaa xalay yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayay xaalada cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Safiirada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Mareykanka, UK, Jarmalka, Sweden iyo Wakiilo kale, ayaa lagu gorfeeyay talaabada lama huraanka ah ee Beesha Caalamku ka qaadayso xaalada Soomaaliya.

Safiirada Beesha Caalamka ayaa isku raacay in hoggaamiyayaasha  Soomaalidu aysan haatan u bisleyn heshiis ay gaaraan, ayna jiraan calaamado horseedi kara in dalku dib ugu laabto meel adag, iyadoo jirto hub aruursi ka socda qeybo kamid ah Dalka, oo ay ugu horeyso Muqdisho.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa Safiiradu isku raaceen inay dib ugu laabtaan tashiyo gaar gaar ah, ayna la xariiraan Ururada iyo dalalkooda, iyagoo kasoo xaqiijinaya go’aanadooda, la isuguna soo laabto kulan kale oo deg deg ah.

Idilnews