XOG: Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo imaanaya Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la yeelan doona Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday.

Wararka ayaa sheegaya in Mevlut Cavusoglu uu qeyb ka qaadan doono xal u raadin Arimaha cakiran ee Doorashooyinka Soomaaliya, wallow ay ka biyo diidan yihiin mucaaradku.

Turkiga oo fulinaya danaha Qatar ayaa la rumeysan yahay inuu garab dadban u yahay Farmaajo, ayaa sanad Milateri siiya DFS ee muddo-xileedu dhamaaday, isagoo sidoo kale gacanta u galiyay Ciidammada uu Soomaalida u tababar, kuwaas oo haatan Villa Somalia u adeegsanayso caburinta Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Idilnews