Cutubyo kamid ah Ciidanka PMPF Puntland oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Cutubyo kamid ah Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, oo loo tababaray si gaar ah ayaa maanta tababar loogu soo xiray saldhiga Ciidammadu ku lee yihiin duleedka Magaalada Boosaaso.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Ciidanka PMPF ayaa lagu yiri “Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland ee PMPF  oo loo layliyey takhasusaad kala duwan ayaa maanta tababar loogu soo xiray Taliska Guud ee ciidanka PMPF Boosaaso”.

Ciidanka PMPF oo ay Puntland ka taageerto Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Ciidammada howlgalada ka dhanka ah  Argagixisada, waxaana ay si gaar ah u beegsadaan Goobaha lagu tuhmayo inay Argagixisadu ku sugan yihiin iyo deegaanada dhaca xeebaha.