Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Madaxda 5 Maamul ?

Kulan u dhexeeya Madaxweynahaasha 5 Dowlad Gobaleed, ayna ka qeybgalayaan Wakiillada Beesha Caalamka ayaa goor-dhaw ka furmaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa loogu gogol xaarayaa Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka.

“Shirkan wuxuu horu-dhac u yahay Shirka go’aan ka gaarista hirgalinta Doorashooyinka Dalka, waxaana Madaxda 5 Dowlad Gobaleed iyo Beesha Caalamku ku gorfeyn doonaan marxalada Dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in Dalka laga badbaadiyo dhibaatooyin ka dhasha marxalada kala-guurka ah, maadama uu dhamaaday muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Hay’adaha dastuuriga ah ee DFS” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha Madaxtooyada Jubbaland.

Shirka gaar ah ayaa qabsoomidiisu waxay wajigabax ku tahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo, kaas oo 3 maalmood ee lasoo dhaafay Shir bilaa Ajande ah la lahaa 3 Maamul ee taageersan.

Idilnews